Berbera”Kaluumaysato 15 Maalmood La Layahay Iyo Waxqabad La,aan Lagu Eedeeyay Wasaarada Xanaanada Xoolaha Iyo Horumarinta Kaluumaysiga
June 23, 2023 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Kaluunaysatada Magaalada Berbera ayaa siwayn uga qayliyay gurmad la,aan loo fidin waayay sadex dhalinyaro ah jilaabsho kaluun ugu baxay Bada 15 casho kahor, masuul ka tirsan gudida iskaashada kaluumaystada ayaa sheegay in ay warkooda gaadhsiiyeen Ragan la layaway iyaga laashkoodiib masuuliyiinta Gobolka iyo Taliyaha qaybta Booliiska ee Gobolka Saaxil iyo waliba Taliska Ciidanka ilaalada xeebaha iyo difaaca bada Saldhigooda Berbera.
Kalumaysatada Berbera ayaa in badan kahadlay dayaca iyo masuuliyad darada Wasaarada Xanaanad Xoolaha iyo kalumaysiga ay ku Maamusho kaluumaystada iyagoo soo jeediyay in lakala qaado labada wasaaradood oo loo madax baneeyo wasaaradooda kaluumaysiga iyo khayraadka bada.
Dabcana waxay baaqyo kala duwan udireen Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyagoo doonaya in Wasaaradooda loo magacaabo Wasiir ugaara,
Iskusoo duuboo Aragtida ay qabaan kaluumaystadu ayaa ah in labadan wasaaradood lakala dhufto si loo dardargaliyo loona garab istaago kaluumaystada waayo waa khayraadka kaliya ee dihin ee dalkeenna aan wali koobo laga Darin.
Wasiir Siciid Sulub ayaana maalintii shalay ahayd soo gaadhay Berbrra isagoo kasoo kicitimay Magaalada Burco oo uu mudo ujoogay hawshii nabadaynta laakiin nasiib daro muu booqan xarunta kaluumaysiga halka uu cagaha soo dhigay Dekada Berbera oo ah halka xooluhu ka dhoofaan lacagta adagina kasoo gasho Wasaarad oo markab walba oo xoolo qaada ka qaada lacag $300 iyo inkabadan.
Mooshinka xashka ee sanadkan ayaa Dekada waxaa ka dhoofay 2600 000 oo Adhi ah sida uu BBC da usheegay Maareyaha Haayada Dekadaha Somaliland Siciid Xasan Cabdillahi.
Berberatoday.com