Berbera”Sadex Kamida Kaluumaystada Berbera oo Mudo18 Cisho Ah La Layahay Nolol Iyo Geeri
June 30, 2023 - Written by admin
Sadex kamida Kaluumaysatada Berbera oo 10 June ee bishan sii dhamaanaysa ufoof tagay bada si Ay uga soo kaluumaystaan iyagoo wata sixiimad yar oo mishiin yari saaranyahay nooceeduna yahay Afdheer oo lagu farsameeyo Dalka Yemen ayaa ilaa hada la layahay noolol iyo geeri.
Sadexdan Kalumayste oo magacyadoodu kala yihiin Cali Cabdi Boos, Jaamac Cumar Liishaan Iyo Cabdi Gooha ayaa markii ugu war dambaysay ay ku sheegeen Kaluumaysato kaloo ay isku goob ka Jilaabanayeen kaluunka inay joogeen goob madaarka diyaaradaha Berbera galbeed kaga beegan Waana wakhtigii ugu war dambaysay.