berberatoday.com
Madaxweyne Mustafe Cagjar oo Somaliland Uga Mahad-naqay Gurmadka Dabka Jigjiga ee Baabi,iyay Suuqa Weynaha Jigjiga
July 9, 2023 - Written by admin

Jigjiga(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida Mustafe Muxummed Cumar (Cagjar), ayaa Dowladda Somaliland uga mahad-naqay taageerada walaalnimo ee ay u muujiyeen walaalahooda Deegaanka Soomaalida, gaar ahaan Dabka xalay ka kacay Suuq ganacsiga magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowlad-deegaanka Soomaalida.

Madaxweyne Mustafe, ayaa kulan mahadnaq ah la yeeshay Masuuliyiinta ka socday dowladda Somaliland ee xalay ka gurmaday Hargeysa.

Dhawr iyo Toban gaadhi oo Dam-demis ah oo ay hoggaaminayeen Maayerka Hargeysa iyo Taliyaha Ciidanka Dam-demiska Somaliland, ayaa xalay ka baxay Hargeysa, si ay uga qaybqaataan daminta Dabka xalay ka kacay mid ka mid ah Suuqyada ganacsiga ee magaalada Jigjiga.

1-dii April ee 2022-kii, ayey ahayd markii uu gubtay Suuqii ugu weynaa ganacsiga Somaliland ee Waaheen ee magaalada Hargeysa, Dabkaas oo dhibaato badan oo dhaqaale dhaliyey, xakakayntiisuna waqti badan qaadatay, ayey Dowlad-deegaanka Soomaalidu u soo dirtay Ciidanka Dam-demiska iyo Gaadiidkooda, kuwaas oo door muuqda ka qaatay in la bakhtiiyo Dabka halakeeyey Suuqa Waaheen ee Hargeysa.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews