Maxkamada Sare oo Dib Ugu Celisay Gudida Doorashooyinka Somaliland Warqad Ay Kaga Dalbadeen Tafsiir Sharci oo Doorashooyinka La Xidhiidha
July 10, 2023 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa maanta dib ugu celisay guddida Doorashooyinka Somaliland warqaddii dhawaan ay u soo gudbiyeen ee ay tafsiirka sharci ee doorashada ku saabsan kaga codsadeen sida ay tibaaaxayaan Ilo-wareedyo ka agdhow Maxkamadda sare.
Arrintan ayaa ka dhigan in hadda guddida Doorashooyinka ay u taalla in ay ku dhawaaqaan jadwalka Doorashada iyo weliba ta soo horraynaysa labada Doorasho ee Ururrada iyo Madaxtooyada.
