Garaad Jaamac oo Soomaaliya Ku Eedeeyay Inay Dagaalka Laascaanood Ku Taageerayso Somaliland
July 13, 2023 - Written by admin
Laascaanood(Berberatoday.com)-Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka mid ah Garaaddada maamulka isku magacaabay SSC- Khaatuma, ayaa ku eedeeyay dowladda federalka Soomaaliya inay Somaliland ku taageerayso duqaymo uu sheegay inay ka waddo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.