“Maanta Khilaafka Sool, Waxa Ka Halis Badan Khilaafka Doorashooyinka”Siyaasi Cali Guray.
July 15, 2023 - Written by admin
AHN Madaxwaynihii Hore Maxamed Ibrahim Cigaal Ayaa laga Hayaa “nabadgelyadeenu waxay ku xidhan tahay inan yar oo Qori sita”. Maanta khilaafka Sool waxa ka halis badan khilaafka Doorashooyinka. Horta doorasho aan sadexda xisbi isla ogolayn oo dalka ka qabsoomi kartaa ma jirto doorasho la isla ogol yahayna ma jirto. Taasi saw ma noqonayso ma jirto doorasho dalka ka qabsoomaysaa? Oo kolkaa sidee xaal noqonayaa? Wuxu noqonayaa madaxwayne la doortay waxa bedeli kara Madaxwayne la doortay iyo doorasho la’aan.
