Xukuumada Somaliland Oo Jawaab Ka Bixiysay Eedaymo Uga Yimid Haayada WHO Oo Sheegtay In Ciidamada Jsl Duqaymo Ugaysteen Xarumaha Caafimaad Ee Laascanood.
July 15, 2023 - Written by admin
Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in anay jeclaysan warbixintii ay hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO Khamiistii kaga warbixisay burburka uu dagaalku u gaystay xarumaha caafimaadka Laascaanood.
Qoraal kasoo baxay Wasaarada arrimaha Dibaadda Somaliland ayaa lagu sheegay in ciidamada Somaliland ay dhulka iyo shacabka Somaliland ka difaacayaan argagixiso iyo maleeshiyo beeleed, isla markaana ay sameeyeen dadaal kasta oo lagu ilaalinayo shacabka iyo danta guud.
“Waxaanu samaynay dadaalkasta si aanu u ilaalino noloshada dadka iyo kaabayaasha shacabka oo ay ku jiraan isbitaalada iyo xarumaha adeega caafimaadka, sannado badan ayay dowladu ka shaqaynaysay dhismaha iyo horumarinta xarumahan, waxayna siisay adeeg caafimaad oo balaadhan dadka reer Laascaanood” ayaa lagu yidhi qoraalka.