Booliska Somaliland oo War Kasoo Saaray Ciidan Boolis Iyo Xildhibaan Golaha Wakiilada Katirsan oo Isku Dhacay Khasaarena Ka Dhashay.
July 17, 2023 - Written by admin
Booliska Somaliland oo War Kasoo Saaray Ciidan Boolis Iyo Xildhibaan Golaha Wakiilada Katirsan oo Isku Dhacay Khasaarena Ka Dhashay.
WARBIXIN :
Maanta abbaaro 9:30kii Subaxnimo waxa isku dhac dhexmaray Xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye oo ka mida Golaha Wakiillada Somaliland JSL iyo Xubno ka mida Ciidanka qaranka JSL waxaanay Ciidanku waxyeello gaadhsiiyeen Xildhibaanka.
Markii falkaasi Taliska Ciidanka Boolisku ku war-helay waxuu degdeg Talaabo uga qaaday Askartii isla marnaa uu xidhay.
Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu kiiskaasi u saaray xubno Saraakiila oo baadhaya Sababta arintaa foosha xun keentay .
XAFIISKA WARBAAHINTA
CIIDANKA BOOLISKA JSL.