Soo Dhawayn Go’aanka Komishanka Iyo Sixid Mudda Xileedka Madaxweynaha Iyo Ku-xigeenkiisa”Xildhibaan Axmed Dayib Ku Cadeeye
July 18, 2023 - Written by admin
Marka hore waxa aan soo dhawaynayaa Go’aanka Guddida Doorashooyinka Qaranku ku mudeysay Doorashada Ururada siyaasadda ee la filayo in ay ka soo baxaan saddexda XISBI QARAN ee qaadan doona LIISANKA SHAHAADADA XISBINIMO EE TOBANKA SANO ee soo socda. Waana Go’aan cid kasta oo Xeerarka dalka aqoon u lihiba filaysay.