Degmada Wajaale Oo Loo Magacaabay Maamul Cusub + Magacyadooda!
July 19, 2023 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka wasaarada arimaha gudaha somaliland ayaa xilkii ka qaaday gudoomiyihii, gudoomiye kuxigeenkii iyo xoghayihii degmada tog wajaale ee gobolka gabiley.
Sidoo kale wasiirka arimaha gudaha ayaa usoo magacaabay sedex masuul oo cusub.
1.Macalin Mukhtaar Aw Muuse Xassan Kooshin (Cawil). Gudoomiyaha Degmada wajaale.
2.Eng Mursal Sh, Axmed Cabdilaahi Gudoomiye xigeenka Degmada
- Cabdi Khadar Cige Camuud. Xoghayaha Degmada.
Xubnaha cusub ee loo magacaabay maamulka degmada wajaale ayaa ah masuuliyiin aqoonyahan iyo iskugu jira xubno mudo dheer kazoo shaqaynay horumarinta magaalooyinka.