Madaxweynaha Jsl Oo Hambalyo Udiray Shacabka Curashada Sannadka Cusub Ee Hijiriyada Islaamka – 1445-ka.
July 19, 2023 - Written by admin
HAMBALYO MADAXWEYNE.
Hargeysa-(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Munaasibadda curashada Sannadka cusub ee Islaamka 1445-ka (Hijiriyada) awgii uu Hambalyo, Bogaadin iyo ducoba u dirayaa guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaan Shacbiga Somaliland meel ay joogaanba.
