Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Case oo Gaadhay Deegaanka Goda Weyne oo Udhaw Buurta Gacan Libaax oo La Sheegayo Inay Jabhadi Isku Urursanayso
July 28, 2023 - Written by admin
” Annaga nooma qorshaysna in aanu la kulano Dadkaa buurta galay, waxaanu usoconaa in aanu dejino xaalada dadka ku nool deegaanadan oo yara sasay maalintii dhawayd ee ay wax yara qafaasheen, Dhamaan deegaanka Go,da iyo inta ku hareeraysanba waa nabad ciidankii booliskuna way ku suggan yihiin oo iyaga amniga ku shaqo leh,
Salaadii jimcahana bulshada Go,da ayaanu halkaa kula tukanay wax dhib ah oo jiraana ma jiraan waan nabad”.
Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Case ayaa sidaa u sheegay Warbaahinta Dawladda.