Wasiir Reer Jabuuti ah oo Hadyad u Soo Dirtay Maayerka Caasimadda Hargeysa
July 28, 2023 - Written by admin
Duqa Hargeysa oo Qado-sharaf u sameeyay Martida Reer Jabuuti ee u yimi Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa
Hargeysa(Berberatoday.com)-Duqa caasimadda Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa guddoomay Hadyad ay u soo dirtay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Jamhuuriyadda Djibouti Hibo Muumin Casoowe.
Duqa caasimadda Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge oo ay weheliyaan Ku-xigeenkiisa Khadar Axmed Cumar iyo Mudanayaal ka tirsan Golaha Degaanka Caasimadda, ayaa Qado-sharaf u sameeyay Martidii uga timi dalka Jabbuuti Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa.
Martida Jabbuuti waxa ay Duqa caasimadda guddoonsiiyeen Hadiyad ay u soo dhiibtey Wasiirka Dhallinyarada iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Jabbuuti Dr Hibo Muumin Casoowe.
Martiqaadka waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, Dr Jaamac Muuse Jaamac, Safiirka u fadhiya Somaliland dalka Jabbuuti Cabdifataax Siciid Axmed iyo Safiirka Jabbuuti u fadhiya dalka Somaliland, Xuseen Cumar Kawaliye.