|
berberatoday.com
Ethiopia: Maamulka Amxaarada oo Federaalka Ka Dalbaday Wax ka qabashada Jabhadda Fano oo uu Difaacay Jiray
August 7, 2023 - Written by admin
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dowlad-deegaanka Axmaarada, Yelikal Kefale, ayaa Warqad uu u diray Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayuu kaga codsaday dowladda federaalku inay soo farageliso oo ay “fuliso qaab-dhismeedka sharci ee lagama maarmaanka ah” si loo xakameeyo qalalaasaha amni ee sii xumaanaya ee gobolka.
Warqadda, ayaa ku boorrisay dowladda federaalka ah in ay qaaddo “tallaabooyin ku habboon oo ku saleysan dastuurka FDRE” oo ay ku caddeyneyso in xaaladda amni ay sababeyso dhibaatooyin Bini’aadantinnimo, bulsho iyo dhaqaale, isla markaana aanay hadda suurtagal ahayn in xaaladda lagu xakameeyo hay’ado sharci ilaalin ah oo joogto ah.
Baaqa Madaxwaynaha Axmaarada oo fiidnimadii Khamiista soo baxay, ayaa ku soo beegmaya xilli ay soo baxayeen warar sheegaya in ay sii kordhayso colaadda u dhaxaysa Ciidammada dawladda iyo kooxda Fano ee hubaysan ee ku sugan guud ahaan gobolka Axmaarada, sida ay sheegeen dadka deegaanka oo la hadlay Addis Standard. Magaalada Kobo ee Gobolka Woqooyiga Wolo, ayaa todobaadkaan waxaa ka dhacayay rasaas badan, gaar ahaan tuulooyinka ku dhow dhow magaalada. Dadka deegaanka ayaa soo jeedinaya in colaada ay ku lug leeyihiin Fano deegaanka ah iyo ciidamada difaaca qaranka.
Mid ka mid ah dadka deegaanka Kobo, oo codsaday in magaciisa la qariyo sababo ammaan awgood, ayaa Addis Standard u sheegay in rasaas xooggan laga maqlayo daafaha magaalada tan iyo Isniintii, 31 Luulyo 2023. Isla dadka deegaanka, ayaa sidoo kale xusay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aad u badan, iyagoo indha indheynaya ciidamada difaaca oo aad u hubeysan oo Baabuurtoodu ka gudbaysa magaalada.
Sidoo kale waxaa arrintaas xaqiijiyay Christian Tadele oo ah Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, isla markaana ah xubin sare oo ka tirsan dhaq-dhaqaaqa Amxaarada, oo farriin uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku yidhi; “Maamulka Abiy Axmed…wuxuu abaabulayaa xasuuq lagu xasuuqayo shacabka gobolka Axmaarada oo la isku adeegsaday hubka culculus oo sababay in la damiyo isgaadhsiinta”.
Arbacadii, Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibedda federaalka Itoobiya Demeke Mekonen, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Facebook kaga hadlay dhibaatooyinka amni ee sii kordhaya ee ka jira deegaannada kala duwan ee gobolka Axmaarada. Waxa uu ka digay hab kasta oo ka leexanaya gorgortan nabadeed, isaga oo ka digay in xeeladahaasi ay caqabad ku yihiin horumarka lagu gaadhayo xallinta, halisna u ah guulihii la gaadhay, isla markaana ay sii adkeynayaan raadinta xalalka mustaqbalka fog.
Mr. Demeke waxa kale oo uu ka hadlay rejooyinka iyo caqabadaha aan la filaynin ee ay keeneen isbeddeladii u dambeeyay. Waxa uu ku taliyey in hab ka fiirsasho leh loo wajaho arrimahan, isaga oo ku taliyay in la raadiyo go’aamo waara oo nabadeed.
Horraantii isla maalintaas ayuu madaxwaynaha dawlad deegaanka Axmaarada Yilekal Kefale ka hadlay saamaynta ay ku yeelanayso xidhitaannada waddooyinka iyo xannibaadda dhaqdhaqaaqa dadka, isagoo sheegay in ay saamayn wayn ku yeelanayso arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasadda, isagoo sheegay in colaadaasi ay sabab u tahay labada dhinacba. burbur iyo khasaare badanina ay Bini’aadamka ka soo gaadhay.
01 August, 2023, Kornayl Getnet Adane, Agaasimaha Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha ee Ciidanka Qaranka Itoobiya, ayaa ka digay inay qaadaan tallaabooyin ka dhan ah Ciidammada uu sheegay inay khalkhal gelinayaan nabadda dalka, iyagoo wata magaca Fano, kooxda hubaysan ee aan dawliga ahayn oo dagaal Militeri la galay Ciidammada federaalka iyo Kuwa Amxaarada ee ku sugan gobolka Axmaarada.
Jabhadda Fano oo ay hore dowladda federaalka Itoobiya iyo Maamulka Oromadu mar badan ku eedeeyeen inay samaysay Dowlad-deegaanka Amxaaradu, ayaa dhibaato badan ka geysatay deegaanka Oromada, Amxaarada iyo meelo kale oo Itoobiya ka mid ah, ayaa Maamulka Amxaarada oo hore u difaaci jiray Fano, ayaa hadda dhibsaday tallaabooyinka Jabhaddaas oo ay dowladda federaalka uga cabanayaan inay wax kala qabato Jabhadda Fano.
COMMENTS
|