Muxuu Yahay Qodobada Xeer Ay Jabisay Wasaarada Arimaga Gudaha Somaliland Keenay In Kulan Wadatashi Sal Balaadhani Hargeysa Uga Furmo Xubnaha Golayaasha Deegaanada Dalka ee Lixda Gobol ee Waa Weyn
August 7, 2023 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Kulanka wada tashiga ah ee maanta Hargeysa uga Furmay badiba Xubnaha Golayaasha Deegaamada shan kamida Lixda Gobol ee ugu waaweyn Somaliland oo kala ah Borama,Gabiley.Hargeysa.Berbera Iyo Burco ayaa la Sheegay inuu daranyahay Cabasho iyo Dacwad ay ka qabaan Golayaasha Deegaanadu Xeerkii Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka ee xeer 23 oo aan ushaqeyn sidii loogu talagay oo Wasiirka Wasaarada Arimaha Guduhuna cunaha iskaga duubay Iyadoo Xildhibaanadiina Noqdeen shaqaale Dawlad hoose aan wax saamayna kulahayn shaqadii ka socotay Degmooyinkooda oo noqotay mid ku kooban xubnaha fulinta oo kaliya.