berberatoday.com
Anwar Warsame Gudoomiyaha Dalada Guud ee Ururada Aan Dawliga Aheyn ee SONSAF oo Qoraal Kaga Hadlay Xaalada Guud ee Dalka Iyo Talooyin uu Soo Jeediyay.
August 10, 2023 - Written by admin
Anwar Warsame Gudoomiyaha Dalada Guud ee Ururada Aan Dawliga Aheyn ee SONSAF oo Qoraal Kaga Hadlay Xaalada Guud ee Dalka Iyo Talooyin uu Soo Jeediyay.
“Jamhuuriyadda Somaliland 32kii sanno ee ay jirtay waxa ay caan ku ahayd in dadkeedu khilaafaadka siyaasadeed iyo ka dhaqanba xalistaan iyaga oo isticmaalaya nidaamka dhaqanka ee aan ku qotomin maxkamadaha (Alternative dispute resolution mechanisms).
Sannadadii u dambeeyay waxa muuqata in khilaafaadka siyaasiga ahi noqonayay mid cimri dheeraada, kolba waji cusub yeesha islamarkaana ay adagtahay in laga gudbaa.
Haddii khilaafaadka iyo ismariwaagu jiitamo, waxa dhaxalkiisu noqdaa kala aaminbax iyo uurkutaalo ay adagtahay in la bogsiiyaa.
Si loo ilaaliyo walaalnimada, midnimada iyo wadajirka dadka reer Soomaalilaand, waxa waajib ah in khilaafaadka siyaasadeed ee salka ku haya doorashooyinka dalka kusoo foolka leh xal kama dambays ah laga gaadho.
Muwaadiniinta reer Somaliland waa in aanay ogolaanin in khilaafaadka siyaasiga ahi dhexdooda ka abuuro kala qaybsanaan iyo colaad aan loo baahnayn.
Dadka caqliga saaxiibka u ah ee reer Somaliland waxa aan ugu baaqayaa in laga hawlgalo sidii khilaafaadka siyaasadeed loo xidid siibi lahaa, maarana loogu heli lahaa muwaadiniinta qoryaha qaatay ee buuraha Gacan Libaaxa kusugan.
Dadka reer Somaliland waa in ay xasuusnaadaan in cunfiga iyo jabhadayntu aanu ahayn habka ugu tolmoon ee khilaaf lagu xaliyo, hase ahaatee, lawada hadlo, la isqanciyo, la isu garaabo la isuna tanaasulo.
Waxa aan ugu baaqayaa Madaxweynaha in uu abuuro jawi wada-hadal, dadkiisana isu soo dhaweeyo, dalkana ku hogaamiyo sidii khilaafka looga gudbi lahaa.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews