Ganacsade Ismaaciil Nuux Sahal Oo Laga Hor Afduubtay Gurigiisa Oo Ku Yaala Xaafada Jig Jiga Ee Magaalada Hargaysa Iyo Eheladiisa Oo Ka Hadlay!
August 10, 2023 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ganacsade Ismaaciil Nuux Sahal oo kamid ah Muwaadiniinta Reer Somaliland Ee ka Shaqaysta Magaalada Hargaysa Oo uu ku leeyahay Meherad ganacsi ayaa habeenkii xalay laga hor Afduubtay Gurigiisa oo ku yaala xaafada jig jiga yar, Gaar Ahaan Agagaarka Sun Huteel.
sida ay Xaqiijiyeen Ehelada Ganacsade Ismaaciil Nuux Sahal ayaa sheegay In laga hor Afduubtay Gurigiisa Cambaaro 11habeenimo, Xili Uu Kazoo rawaxay shaqadii, islamarkaana uu sii galayay guriga, ayaa waxaa Afduubtay Koox Aan la Aqoonsan Haybtooda, kuwaasi oo ku qaatay gaadhi ay wateen, kaasi oo Aan Ilaa Hada la Ahayn Raq iyo Ruux Toona.