berberatoday.com
XUSUUS-QORKA TARTANKII CIYAARAHA GOBOLADA 1987 CIYAARTII J/HOOSE (Kismaanyo) iyo TOGDHEER (Burco). Qalinkii Cali-Mahad Yuusuf
August 10, 2023 - Written by admin
XUSUUS-QORKA TARTANKII CIYAARAHA GOBOLADA 1987
CIYAARTII J/HOOSE (Kismaanyo) iyo TOGDHEER (Burco).
Qalinkii Cali-Mahad Yuusuf Saleeban.
Qormadii 3.8.2023. waxaan sharaxaad kooban ka bixiyey ciyaartii Finalka ee koobkii 1987kii lagu tartamay oo dhexmartay Xulalkii K. Cagta W/Galbeed iyo Sh/Dhexe. oo ay ku adkaadeen Kooxdii ku ciyaaraysay Sh/Dhexe, oo ku aadanayd 3.8.1987.
waxaa kale oo ku xusnaa Qoraalkaasi in Gobolka Togdheer (Burco) uu kaalinta 3aad sanadkaasi galay, hadaba waxaa aad layga dalbaday inaan wax kasoo qoro kaalintii Gobolkaasi Togdheer. Ikhiyaarta qaarbaa ila gaadhay maxaad Gobolkii Ragga u ilowday…….Waxaana qasab noqotay inaan ka warceliyo.
Mar hadii layga sugaayo ciyaarihii Togdheer, si ay sheekadu u noqoto mid xiisaheeda leh waxaan idiin godli doonaa xusuus-qorkan waa Buug cimri ahaan da’diisu ay 40kii wax u dheeryihiin marka laga soo bilaabo 1983kii. Xaqiiqa ahaana 65% ayuu da’yarta maanta jirta ka da’weyn yahay, anigoo huba in badani marka ay muuqaalkiisan aragto inay xusuus dheer iyo waayo tegay hor iman doonaan….. ha samaatoo hala helo….
19.7.1987 waxaa Gegida MUQDISHO ISTAATYAM. kulan adagi ku dhexmaray Gobolada Jubada Hoose (Kismaayo) oo Labadii Koob ee u dambeeyay 1985-86kii haystay iyo Xulka Kubada Cagta ee Gobolka Togdheer (Burco), Labadan Xul oo ku wada jiray Groupka B. dadka badankiisuna waxay saadaalinayeen in Cayaartoyda Kismaayo si fudud uga adkaan doonto kooxda Togdheer. Oo loo arkaayey inaanay iska caabiyi karin
Hase ahaatee qaybtii hore ee ciyaarta markay xoogaa socotayba waxaa soo baxay Jawi ka duwan sidii la filaayey, Xulka Jubada Hoose (Kismaanyo) oo lagu yaqaanay weerar sida duufaanka ah oo ay gelin horeba ku jiidhaan kooxda kasoo horjeeda, waxaa ka lumay is afgarashadii koox ahaaneed ee ciyaartoyda.
Waxaana daawadeyaashii garoonka fadhiyey yaab ku noqday markay si caadi ah isugu dhexdaadeen. Xiddigihii Jubada hoose oo Calankooda uu ku sawirnaa Maroodigii ku dhaqnaa Gosha webiga Jubba.
Oo gelin horeba laba gool oo yaableh lagaga naxsaday. Xulka Kismaayo oo 16 Jeer oo Koobka Kubada Cagta ee Gobolada Soomaaliya loo tartamay 8 Kamid ah ku guuleystay, waxaa ayaantaas dushooda magaciisa ku qoray Wiilkii Badraaniga ahaa ee AHN Jamaal Soofe Yaasiin (Jamaal-Qatari) oo ka tirsanaa Xulka Qaranka ee Dalka Qatar, balse sanado hore usoo ciyaaray Gobolka Togdheer.
Qaybtii hore ee Ciyaartuna waxay kusoo gabagabowday 2:0 ay hogaanka ku hayso Togdheer waxa kale oo yaab lahayd sida uu isu bedelay Muuqaalka Garoonku sababtoo ah Tebintii tooska ahayd ee Idaacada RADIO MUQDISHO oo weriyaha galabtaa Ciyaarta inta badan sheegaayey ahaa Cismaan Cabdi Nuur Xaashi oo Reer Laascaanood ah, wuxuu qaab Waqooyiyeysan u buunbuuniyey Cayaartoyda Togdheer,
Waxaanu si gaar ah farta ugu fiiqay Goolhayihii Jubbada Hoose Cabdi-Xaaq oo marar dhowr ah uu yidhi “Ninkii Cabdi-Xaaq Maanta Jeestadii badnayd iyo shaxshaxdii ma jirto.waxaa uu aad uga gabanayaa darbadaha Madaafiicda ah ee Weerarka Togdheer”.
Qaybtii dambe ee ciyaartana waxaa garoonka soo galay kumanaan qof oo qaabka dheeshu u socdo idaacada ka maqlay.
Waxaan aad u xusuustaa kaftankii Taageerayaashii Togdheer oo halkii aanu fadhinay si aad ah uga maadeynaayey WAA RAGEEDII ROGAAL CELISKIYO RAACDADA YIQIIN, (Kismaanyooy Subaga Qubada iyo macsartaanu cabnaa socon weydaye !!! Raggii Caymarka iyo Xagalada Ruugi jiray baa ku haya) Waa hadaladii ay lahaayeen Odayaashii Ceel-gaabta ka shaxi jiray.
Markii hadaba laysku soo noqday qaybtii dambe waxaa Cayaartoyda J/hoose la yimaadeen goolkii koowaad oo uu dhaliyey C/laahi Bile oo Lrka 21aad sitey, inkastoo ay kubada la qaybsadeen, Xulka Togdheer xaalkuna weerar iyo weerar celis noqday, waxaase cajiib ahayd Difaaca Burco.
Jamaal Cismaan Saleebaan oo Lrka 5aad ka dheelaayey sidaan filayana kamid ahaa cayaartoydii ugu da’yarayd wuxuu maalintaa sameeyay Wacdaro intii daawaday aan weli xusuustooda ka bixin Difaaca khadka dhexe ka sokow, waxaa loo mari waayey labada koone bidix iyo Midigba,
Ragga afka hore uga ciyaarayay Kooxda J/Hoose oo ahaa waayo-arag, si cajiib ah jaanta isula hela, qaybihii dambe ee ciyaarta waxay dhowr jeer wax ka bedeleen hababka ay weerarka u qaadayeen, Cayaaryahankii ugu khabiirsanaa hujuumka Kismaanyo oo ahaa Cumar-Faruur Lrk 10 oo ilaa badhtamihii todobaatanadii xaadir ku ahaa garoomada wuxuu far kala bixi waayay Jamaal Cismaan.
Waxaa kale oo xusideeda mudan Naanaysihii cayaartoydii Gobolka Togdheer oo weriyeyaashii Raadyow Muqdisho ula eekaatay Jilayaashii Riwaayadaha Banaadiriga waxaana kamid ahaa Cabdi-Good, Qumane, Shaash, Khaawi, Dhaylo, Culus, Qatari, Balaak, Xooga.
Gabagabadiina waxay ciyaartaasi kusoo dhamaaday 2-1 ay guushu ku raacday Gobolka Togdheer. Maalintii 2aad ayaase Barmaamijkii Ciyaaraha ee Idaacadu sii deyn jirtay 1da Duhurnimo waxaa lagu qaadaa dhigay wacdarihii kulankaasi, iyadoo awooda kooxda Burco lagu tilmaamay mid aan cidi ku dherersan karin marka la qiimeeyo Hanaankooda Isboorti Barmaamijka maalintaas oo uu tebinaayey AHN C/raxmaan Cismaan Xuseen (Dagaal),
Waxaa uu waraysi gaar ah la yeeshay Maxamed Faarax Xalane (Dhaashane) oo ahaa weriye Ruug cadaa oo ka sheekeeyey taariikhda dheer ee Labadan Gobol waxaanu tilmaamay ciyaartii ugu horeysay ee lagu furay Tartankii Koowaad ee Ciyaaraha Gobolada 1971. Inay dhexmartay Togdheer iyo Kismaanyo oo isku guruub ahaa, waxaana 3:2 ku badisay Burco, balse koobkii sanadkaa waxaa ku guuleystay Kismaanyo oo ka qaaday Gobolka Bay, xiligaana la odhan jiray Jubbada Sare ama Jubba Alto. Weriye Dhaashane wuxuu sheegay inay wakhtigaa soo baxday Heestii “HALYEEYADII BURCAAD IYO HANADADII KISMAANYAA IS-HAREERAYAALEE”
Dhinaca kalena markaan dib ugu noqdo bishii Juun 1987kii waxaan booqday Magaalada Kismaanyo, meelihii aan tegayna waxaa kamid ahaa Garoonka K.Cagta oo uu maalmahaa uu ka socday tababarkii iyo diyaargarowgii ciyaaraha Gobolada ee sanadkaas, dhalinyaro aanu is baranay ayaanu subaxa hore kuwada dheeli jiray meel garoonka u dhow
waxaase dhib igu noqotay inaan helo dhar iyo kabo ileeg oo kuwii Isboortiga ah, balse subax aanu is waraysanay Cayaartoydii Gobolka qaarkood ayaan u sheegay inaan waayey meel aan ka iibsado dharkii Ciyaaraha ayaa isla galabnimadiiba waxaa laygu deeqay Lebis dhan oo ilaa 4 Xabo ka kooban, iyo laba Beer oo kabihii ciyaaraha ah, waxaanan ugu hayaa Abaal badha abaal buuxa Abaal bur iyo dheeraad ah oo aan weligii duugoobin.
Hadaba Qormada xigta Insha Allaah waxaad si waafi ah uga akhrisan doontaan Tartanka Sanadkaasi siduu u dhacay, qaabkii loo kala badiyey
Balse aan dib idiin xusuusiyo Cayaar-yahanadii u kala safnaa Labadaasi Gobol J/Hoose iyo Togdheer oo kala ahaa, J/Hoose 1-Gool-haye Cabdi-xaaq, 2-Kiyaawe,3-Muufo, 4-Maxamuud Cali (Maxamuud-yare), 5-Maxamed Muuse (Kabtanka),6-Xanaf, 7-Cabeey, 9-Siciid-Galti, 10-Cumar-Faruur, 21-C/laahi Bile,
Sidoo kale Gobolka Togdheer kulankaa waxaa u dheelaayey 1-Cabdi Good, 2-Qumane, 3-Mustafe Shaash, 4-Khaawi, 5-Jamaal Cismaan, 6-Cabdi Siciid (Dhaylo),7-Culus, 8- Xaamud Good, 9-Mustafe-Balaak, 10-Jamaal-Gadari, 11-Maxamed Cawil (Xoogga), kaydka 12-Saleebaan-Afweyne (Gool-haye 2aad), 15-Maxamed Xasan-Faras, 13-C/Xakiin
WAA INOO QORMADA DAMBE IYO WARBIXIN WAAFI AH

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews