Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici Oo Kormeer Xog-ogaal Unoqosho Ah Ku Tegay Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.
August 18, 2023 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta kormeer ku sameeyay xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL iyo Machadka Shaqaalaha Dawlada, Isaga oo u kuur-galay sida shaqada iyo hawl socodsiintu ay qaranka u hayaan ay u socoto. Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda, Mudane Khaalid Jaamac Qodax, oo ay weheliyaan Guddoomiye ku xigeenka, agaasimaha guud, iyo Agaasimaha fulinta ee Mac’adka shaqaalaha ayaa ku soo dhaweeyey xarunta guud ee Hay’adda shaqaalaha dawlada Madaxweyne ku-xigeenka. Guddoomiyuhu waxa uu warbixin ka siiyey dhammaan qeybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Hay’addu, waxaanu la wadaagey siyaasaddihii, xeerarkii iyo waxqabadkii dib-u-habaynta shaqaalaha ee Hay’addu wadday sannooyinkii dambe oo dhan.