Madax Dhaqameed Kasoo Jeeda Beesha AKISHO oo Shirkada Cali Waraabe Ku Eedeeyay Dhac Hantiyeed”Daawo Muuqaal
August 23, 2023 - Written by admin
Madax-dhaqameedka iyo waxgaradka beesha Uu kasoo jeeda Ganacsade Maxamuud Cabdi Abokor Ee “Beesha Akisho” oo kaalin shidaal ku leh magaalada hargaysa ayaa cabasho xoogan ka muujiyay dhac badheedh ah oo ay sheegeen in uu kula kacay mulkiilaha shirkada waraabe company Cali Waraabe oo shidaal ay ka iibsadeen diiday in uu siiyo, islamarkaana ay mudo sanad ah daba socdeen.
Sidoo kale Madaxdhaqameedkan ayaa sheegay in ganacsade caliw waraabe sicad ugu awood sheegtay islamarkaana uu diiday in uu ka dowbaxo,iyadoo ka waramay isku dayo badan oo ay xal ku raadiyeen uu gabi ahaanba sicad ugu gacan saydhay kaasi oo ay soo bandhigeen cadaymihii ay kaga iibsadeen.