Wasiirka Waxbarashada oo Berbera Ka Dhagax Dhigay Dugsi Sare oo Laga Dhisi Doono Xaafada Batalaale”Daawo Muuqaal
August 23, 2023 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye Toorno Mayerka Degmada Berbera Cabdishakur Cidin, Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Case Iyo Isuduwaha Wasaarada Waxbarashada Gobolka Saaxil Maxamud Xasan Caynaashe Ayaa Siwada Jira Udhagax Dhigay Dugsi Sare Ay Yeelan Doonto Xaafada Batalaale ee Berbera.
Dugsigan oo Laga Dhisi Doono Agagaarka Garoonka Kubada Cagta ee Cabdalle Stadium Ayay Baahi Weyn Uqabeen Shacabka Dagan Xaafadaasi.