|
berberatoday.com
Wasaarada Maaliyada Somaliland oo Isku Bedel Iyo Xil Kaqaadis Ku Sameysay Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaarada.
September 11, 2023 - Written by admin![]() Waxaana xilalkii laga qaaday Agaasimayaashii waxyaha Kastamka Maxamed Nuur Kabaweyne iyo Agaasimihii Waaxada Cashuuraha Beriga Maxamed Ibraahim Batuun iyo Bahja Yuusuf oo ahayd Agaasimaha Waaxda Iibka ayaana iyana xilkii laga qaaday.
Agaasimaha waaxada Kastamada waxa loo magacaabay Maxamed Xasan Oo hore u ahaa Agaasime kuxigeenka ka ahaa Waaxda Cashuuraha Beriga.
Agaasimaha waxaad Cashuuraha Beriga waxa loo Magacaabay Mustafe Ciro oo hore u ahaa Maamulaha xafiiska Cashuuraha Beriga ee Degmada Ibraahim Koodbuur.
Agaasimaha waaxda Iibka waxa loo Magacabaay Mukhtaar Saleebaan oo hore u ahaa Agaasimaha Waaxda ganacsiga Gaarka loo leeyahay.
Waaxda ganacsiga gaarka loo leeyahay ayaa waxa Loo magacaabay Khadar Sarmaan.
Agassimayaashan xilalka laga qaaday ayaa badidoodu mudo dheer xilalkan soo hayay.
Xogtan warkan oo rasmiya oo maalinta Bari ee Bishu tahay 11 Semptembe 2023 Warqadiisu soo bixi doonto ayaa Warbaahinta Berbera Media Inc Waxay ka heshay ilo wareedyo udhuun daloola Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL
![]() ![]() ![]() ![]() Berberatoday.com
COMMENTS
|
||||
|