Guddida Iswaafajinta Xeerarka Doorashooyinka Golaha Wakiilada JSL oo Fadhigoodii 8aad Yeeshay Shalay Galinkii Dambe
September 12, 2023 - Written by admin
Guddida Iswaafajinta Xeerarka Doorashooyinka Golaha Wakiilada JSL ayaa fadhigoodii 8aad oo yeeshay shalay galinkii dambe oo ka qabsoomay xaruunta golaha wakiilada waxa ay kulan la qaateen Ururrada Siyaasada Somaliland.
Kulamadan oo saacado badan socday isla markaasina uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Gudidaasi Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax kana soo qayb galeen dhamaan Xubnaha gudidaasi ayaa waxa Ururrada iyo gudidu isla gorfeeyeen meelaha ay Xeerarka Doorashooyinka Dalku uga baahan yihiin in wax ka bedel looga sameeyo iyo sidoo kale aragtiyahooda la xidhiidha arrimaha doorashooyinka.
Ururada kulankan ka qayb galay ayaana kala ahaa 1.kaah 2.barwaaqo 3.mideeye 4.rajo 5.talo wadaag 6.waaberi