“Waftigii Xamar Ka Yimi Ee Laascanood Uyimid Waxba Ka Bedeli Maayaan Xuduudaha Somaliland, Riwaayaddii Iyo Raynrayntu Waxay Dhawaan Isu Rogi..”Gudoomiye Faysal.
September 16, 2023 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal cali waraabe ayaa ka hadlay wafti xamar ka yimid oo dhawaan socdaal ku yimid magaalo madaxda Gobolka sool ee laascanood kuwaasi oo uu sheegay in aanay waxba ka badalay xuduudaha Somaliland islamarkaana Somaliland talaabo ka qaadi doonta cidkasta oo kusoo xadgudubta xuduudaheega.
