Qalinkii Cali-Mahad Yuusuf Saleeban.
Habeenimadii 1.4.2022 waxaa dab xoogani ka qarxay Suuqii Waaheen ee Magaalada Hargeysa, oo kamid ah Seyladaha Ganacsi ee ugu weyn Geeska Afrika, Khasaaraha Maaliyadeed ee dabkaasina waxaa lagu Qiimeeyey inuu ku baab’ay 2 Bilyan oo Doolar, Gubashada Suuqa Waaheen oo dhamaanba Shucuubta Afsoomaaliga ku hadlaa si weyn uga damqadeen, wuxuu bilow u ahaa ahaa masiibooyin dab oo is xigay mudo kadibna waxaa gubtay Suuqyadii Baayacamushtarka ee Magaalooyinka Jigjiga, Boosaaso, Kismaayo, Garoowe, Muqdisho, Gaalkacayo, Wajeer
waxaana ugu dambeeyey Dabka 16.9.2023 Gubay Suuqii weynaa ee Magaala Ganacsiyeedka WAJAALE. xaqiiqa ahaana khasaare baaxad leh ayaa dabkani geystay, waxaase jira su’aalo kala duwan oo layska weydiiyey Sababta dhabta ah ee ka dambaysa Gubashadan soo noqnoqatay, weydiimaha ugu badan ee ilaa hada aan Jawaab waafi ah loo helin waxaa kamid ah, xiliyada ay kusoo beegmaan gubashadu Magaalooyinkaa ka dhacday oo inta ugu badani Jimce dhacday, iyadoo aan cadayn buuxda loo haynin inay tahay fal Abaabulan oo gacmo qarsooni ka shaqeeyeen ama shil si caadi ah u dhacay
waxaa kale oo jiray faalooyin Goobaha bulshadu isugu timaado ku badnaa oo laga bixiyey qaabka suuqyadeena u dhisan yihiin oo hab isku raran ah u samaysan, meelaha qaarkoodna aan laba qof isku dhaafi karin, waxaa intaa dheer Xadhkaha Laydhka ee ku xidhiidhsan Bacaha dusha sare kaga dedan goobaha, Ganacsiga markaad dhexmartana waxaa ishaadu qabanaysaa masaafo dheer oo xitaa aanad cirka sare arkayn Meheradahaasina waxaa ka maqan oo aan laga heli karin haamaha Gargaarka degdega ah ee Dabka lagu bakhtiiyo (Ogsajiin) marka dab ka kacona ma jirto meel Baabuurta Dab-demisku marto. waana duruuf ay ka siman yihiin dhamaanba Suuqyada Magaalooyinkeenu oo markay gubtaan aan wado loo maraaba jirin , wixii la qaadi karo Lagala cararo tuugta iyo budhcaduna dhex yaacdo.
Run ahaantiina Khatarta suuqyadeena ka muuqada maaha mid loo tamar waayee, waxaa la odhan karaa waa loo Talo waayey, Cida koowaad khatartan inay ka feejignaadaana ahaydna waa Ganacsatada waxaase muuqada talo la’aan. iyo in dhegaha laga furaystay Digniinaha Xirfadleyaasha Dab-demiska oo marar badan ka hadlay Halista ka dhalan karta Xaaladaha Noocan ah.
Dhinaca kalena mudo haatan laga joogo
357 Sano waxaa Caalamka ka dhacay khasaarihii ugu badnaa ee dab geysto taariikhdaas oo ku aadanayd Arooryo Axad ah, 2.9.1666. iyadoo dadka badankooduna goobahoodii shaqo ku sugnaayeen. waxaa dab ka kacay Meel Moofo ahayd, oo Furinka iyo keega lagu sameeyo oo ku taalay London, balse wakhti yar ayuu si dhaqso ah ugu Fiday Gebi ahaanba Suuqyadii iyo Dhismeyaashii Magaalada, waayahaas oo aanay jirin Adeegyada casriga ah, si kasta oo loo dadaalay waxaa la awoodi waayey in xitaa la hakiyo xawliga uu ku socday, dabkii maalintaasi qarxayna Afar Maalmood kadib 6.9.1666. ayaa la bakhtiiyey. Iyadoo Magaalada inteedii badnayd isu bedeshay dhuxul iyo dambas, Markii mashaqadani dhacday kulan degdeg ah oo Golahii Xukuumadu isugu yimi waxaa lasoo saaray shuruuc adag oo cidii jebisa ganaax culus la dul dhigo, waxaana kamid ahaa cidii lagu helo inay dayacdo dabka xitaa gurigeeda ama meheredeeda dhexdeeda waxaa lagala wareegayaa Dhismaha ay ku jirto, waxa kale oo ku jiray, in Dhismeyaasha guryaha iyo Goobaha ganacsiga oo markii hore u badnaa Loox, Loo bedelo Dhagax, waxa kale oo la amray dhamaanba meelaha aad loo degan yahay inay yeeshaan Dhalinyaro habeen iyo maalinba is-bedela oo shaqadoodu tahay la dagaalanka Dabka. Cahdigaa oo aanay dunida ka jirin, Shiidaalka iyo Saliidaha noocyada badan ee xiliyadan la isticmaalo tamarta ugu weyn ee la adeegsadaana waxay ahayd dabka gaar ahaan dhuxul dhagaxda waxaase aduunyadii qarniyadaas jirtay ka baratay cashar ah, in dabku yahay Aas-aaska koowaad ee nolosha si joogto ahna loogu baahan yahay Manaafaca.