Madaxtooyada Somaliland Oo War Kasoo Saaray Dabkii Ka Kacay Suuqa Magaalada Wajaale!
September 18, 2023 - Written by admin
WAR-SAXAAFADEED.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Hadlay Masiibaddii Xalay ee Dabkii Suuqa Wajaale.
Hargeysa-17-09-2023-(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu murugada iyo tiiraanyada la qaybsanayaa muwaadiniinta hantidoodii ku waayey masiibada dabkii xalay ka kacay suuqa ganacsiga ee magaalada Wajaale.
