Dagaal Kulul oo Al-Shabaab Iyo Ciidammada Itoobiya Ku Dhexmaray Gobolka Bakool
September 19, 2023 - Written by admin
Rabdhuurre(Berberatoday.com)-Dagaallo culus, ayaa Axaddii maanta gobolka Bakool ku dhexmaray Ciidammo ka tirsan Millateriga Itoobiya iyo Malleeshiyadka Al-Shabaab, sida mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Bakool xaqiijiyeen.
Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Bakool ee Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, ayaa la hadlay VOA Somali oo xaqiijiyey in dagaalkaasi dhacay gelinkii hore ee maanta, balse faahfaahin dheeraad ah may ka bixin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.
Maleeshiyaadka Al-Shabaab, ayaa la sheegay weerar gaadmo ah inay ku qaadeen laba kolonyo oo Ciidammada Itoobiya ka tirsan oo ka soo kala baxay deegaannada Yeed iyo Ceel-Barde, isla markaana u kala socday Waajid iyo Xuddur. Dagaalka culus, ayaa la sheegay inuu qabsaday Ciidammada Itoobiya ee u socday Waajid.