Haayada Shaqaalaha Dawlada Oo Dhaarisay Hawlwadeenadii Ka Hawlgalayay Hubinta Shaqaalaha Ku Meelgaadhka Ah Ee Wasaarada Waxbarashada
September 19, 2023 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Iyo Sayniska JSL Mudane Cabdixakim Siciid Bustaale ayaa Maanta Ka Qayb galay Munaasibad lagu Dhaarinayay Hawl Wadeenada ka shaqaynaya Diyaarinta iyo Tirikoobka Macalimiinta u Fadhiisan Doonta Imtixaanka .
Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha dawlada ayaa halkaa ku dhaariyay Labada kooxood ee ka kala socda Wasaaradda Waxbarashada iyo Hayada Shaqaalaha Dawlada.
Waxaa Sidoo kale halkaasi ka hadashay Gudoomiye ku Xigeenka hayada shaqaalaha dawlada oo si faah-faahsan uga War bixisay sida ay u Qorsheeyeen Qaadista Imtixaankan.