Nuxurka Qodobbada Ka Soo Baxay Fadhigii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland Ee Khamiislaha Ahaa
September 22, 2023 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Fadhigii 116aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne Ku xigeenka Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa war-bixin guud oo la xidhiidha amniga dalka goluhu ka dhegeystay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane, Cabdilaahi Xuseen Maxamed, Waxa kale oo goluhu dood iyo falanqayn dheer ka yeeshay arrimaha dhaqaalaha dalka, maalgashiga, wax-soo saarka iyo horumarinta arrimaha bulshada.
