Doon Laga Helay Dhugmantiyo Ay Leeyihiin Somali Iyo Turki oo Ku Caariday Xeebta Dalka Israa,iil
October 3, 2023 - Written by admin
Doontaan oo aysan qofna saarneyn ayaa waxaa maalintii Axada ay soo tuftay badda Iraa,iil, waxayna ka xidhtay magaalada Netanya oo Israa’iil ku taalla. Doonta korkeeda waxaa laga helay baasabooro iyo dukumentiyo kale oo ay leeyihiin dad 8 qof lagu qiyaasay oo Soomaali iyo Turki isugu jira.
Tirada Soomaalida si gaar ah 3 qof ayaa lagu tilmaamay.
Ciidama Israa’iil waxay direen diyaarado Helicopter ah, si ay u baadi goobaan dadkii doonta saarnaa, iyo in qaar nool la helo iyo inkale.