Gudida Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirada oo Kulan Degdeg Ah Yeeshay
October 3, 2023 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirada JSL waxa ay warbixino la xidhiidha qaban-qaabada madasha Dhaqaalaha Heer Qaran ee sannadka 2023 ay ka dhageysteen guddida farsamo ee ku hawlan diyaarinta madasha Dhaqaalaha sannadkan oo ka qabsoomi doonta magaalada Hargeysa 14-15 October, 2023.
Arrimaha lagu soo bandhigi doono sannadkan madasha Dhaqaalaha 2023 waxa ay kala yihiin
1. Sagaal nooc oo Daraasado cilmi baadhisyo ah oo ku saabsan fududeynta Maalgashiga, Ganacsiga, Adeegyada maaliyadeed, Sugnaanshaha cuntada, Macdanta iyo ilo dhaqaale sal-balaadhan oo ay dawladu yeelato.
2. Carwo ganacsiyeed .
Sida Adeegyada Maaliyadda, Macdanta iyo Adeegyada Dawladda.