berberatoday.com
Itoobiya oo Sheegtay Inay Fashilisay Weerar Ay Al-shabaab Ku Qaadday Deegaanka Soomaalida
October 8, 2023 - Written by admin

Ethiopia(Berberatoday.com)-Dowladda Itoobiya, ayaa sheegtay in Ciidammadeedu ay fashiliyeen weerarro ay kooxda Al-shabaab damacsanaayeen inay ku soo qaadaan gudaha dalka Itoobiya, gaar ahaan Doollo-caddo oo ka tirsan Dowlad-deegaanka Soomaalida.

Warkan oo lagu baahiyay Warbaahinta FBC iyo EBC oo ay dowladdu maamusho, ayaa sidoo kale lagu sheegay in kooxda Al-Shabaab uu bartilmaameedkoodu ahaa inay weerarro qorshaysan ka fuliyaan degmada Doollo-caddo oo xigta dhanka xuduudka uu deegaanka Soomaalidu la wadaago Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya waxa kale oo ay sheegtay in gacanta lagu dhigay hub kala duwan iyo waliba lix jeerikaan oo laga soo buuxiyay Kiimiko iyo walxaha qaraxyada loo adeegsado iyo 3000 kun oo ah rasaasta qoriga Bireemka ah. “Dhammaan hubkan waxaa laga qabsaday kooxda Al-shabaab oo rabay in hubkaas lagu dhibaateeyo shacabka deegaanka Soomaalida.” Sidaa ayaa lagu sheegay warka dowladda Itoobiya ka soo baxay.

Dowladda Itoobiya waxay sheegtay in howlgalkan lagu fashiliyay qorshaha Al-Shabaab ay si wada-jir ah u fuliyeen Ciidammada Militariga Itoobiya oo kaashanaya Hay’adaha amniga ee degmada Doollo-caddo, waxaanay dowladdu xustay in mar walba ay diyaar u yihiin sugidda ammaanka Shacabka.

Dhinaca xuduudda uu daegaanka Soomaalidu la leeyahay Soomaaliya, waxaa marar hore ka dhacay iskudayo ay kooxda Al-shabaab damceen inay ku  galaan deegaanka Soomaalida, inkastoo wakhtiyadaa ay dagaallo culusi ka dhaceen deegaannada xiga dhanka xadka, haddana dowladda Itoobiya waxay muddadaas ka dib xoogga saartay sidii ay u adkayn lahayd xuduudkan oo markii hore ay joogeen Ciidammada Liyuu Booliska Soomaalidu, haddase waxa jooga Ciidammada Militariga Itoobiya.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews