Madaxweyne Muuse Biixi oo Xilkii Ka Qaaday Mid Kamida Wasiirada Xukumadiisa Mid Cusubna Magacaabay
October 17, 2023 - Written by admin
Wareegto Madaxweyne-17-10-2023.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne uu xilkii kaga qaaday wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga kuna magacaabay wasiir cusub.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Ku: Axmed Aadan Jaamac;
Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga
Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad hore u haysay ee Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga Jamhuuriyadda Somaliland.
Geesta kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wareegto madaxweyne ku magacaabay wasiir Cusub.
Waxaanay u dhignayd sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;
Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
In Raabbi Cabdi Maxamed Maxamuud laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga Jamhuuriyadda Somaliland.
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.