Xukumada Somaliland Oo Si Adag Ucanbaareysay Aqoonsiga Ay Somaliya Siisay Maamulka Gobolka Sool Ee Khaatumo
October 20, 2023 - Written by admin
Qoraal ka soo baxay wasaraada arimaha Dibada kuna qornaa afka English-ka ayaa lagu yidhi .
“ Xukuumadda Somaliland waxay si adag u caddaynaysaa in aanay Soomaaliya iyo Malleeshiyo beeleed midna ka talin ama sheegan Laascaanood.
Aqbalaadda Soomaaliya ee ku dhawaaqida Maleeshiyada, waa weerar badheedh ah oo lagu soo qaaday Qaranimada iyo wadajirka Somaliland ee xuduudaheeda 26 June 1960.
Waa wax laga naxo oo khatar ku ah xasiloonida Geeska Afrika.
Somaliland waxay haysataa madax-banaanideeda in ka badan 32 sano, iyada oo ka hirgelisay xuduudaheeda nabad, amni iyo dawlad dimuqraadi ah. Intaa waxaa dheer, waxay si weyn uga qayb qaadatay horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.