Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maaliyada Dambabasay Kiiskii Xatooyada Cashuurta Dawlada ee Kadhacay Kastamka Berbera
October 21, 2023 - Written by admin
Ahmed Abdirahman Xariir oo ah masuul da.yar oo Ku wanaagsan dhinaca Cashuur horena uga soo Shaqeeyay Kastamaka Berbera hadana ahaa Maamulaha Kastamka Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Hargeysa ayaa loo soo magacaabay Maamule kuxigeenka Kastamka Berbera.
Geesta kale Agaamaha guud ee Wasaarad Maaliyada Maxamed Cismaan Xuseen Mu,adinka oo dambabasay kiiskii musuqmaasuq ee kadhacay Kastamka Berbera ee lagu lunsaday lacagta 425 Milyan ah ayaa indhaha ka laliyay Masuuliyiintii Barxada Kastamka Berbera ee Fadeexadaasi Dulhoganaysay iyo shaqaalihii rarka qaabilsanaa ee raray badeecadaasi cashuurteeda lala baxsaday ee lagu qabtay Kaantaroolka Haleeya ee Hargeysa.
Waxanu Agaasimaha guud bedelay Saalax Cabdilahi oo ahaa Maamule kuxigeenkii Kastamka Berbera iyo Siyaad Cabdiraxmaan Maxamed oo ah Inankii shaqaalaha ahaa ee soo qoray Badeecadaas ee la khiyaamay horena aanu codkiisa idiinla wadaagnay isaga iyo Mukhaliskii Badeecada saarayay.
Waxa la odhan karaa Agaasime Maxamed Mu,adinku muu samaynin Cadaaladii laga filaayay ee ahayd inuu wada bedelo Masuuliyiinta iyo shaqaalihii ku lugta lahaa xatooyadan cashuurta Dawlada,
Fadeexadan xatooyada cashuurta dawlada oo dhawaaqeedu wada gaadhay shacabka Somaliland Xisbiyada mucaaradkuna.ka hadleen Ayaa Isha lagu hayay talaabada ay qaadaan Masuuliyiint Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL iyadoo.la filaayay in la bedelo sidii hore Udhacday dhamaan masuuliyiinta fadeexadan Qeybta ka ahaa iyo shaqaalihii raray ee Suuragaliyay tuugada cashuurta dawlada ee Kastamka Berbera gaar ahaan waaxda Barxada ee rarka.