berberatoday.com
Somaliya: Ciidammo Tabobbar Ku Soo Qaatay Eritrea oo Dalka Ku Soo Laabtay Maanta
October 22, 2023 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa dalka dib ugu soo celisay boqollaal ka tirsan Ciidammada Soomaaliya oo sannadihii ugu dambeeyay lagu tabobbarayey dalka Eritrea, iyada oo la filayo in bishan Oktoober dib loo soo celiya dhammaan Askarta Soomaaliya ee Eritrea.
War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Villa Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Ciidanka tabobbarka ugu maqnaa Eritrea boqollaal ka tirsani ay maanta dalka ku soo laabteen, ka dib markii ay soo dhammaysteen tabobbarka.
“Madaxweynaha oo dul istaagay hannaanka dib u soo celinta ciidamada ayaa la dardaarmay cutubyo maanta dib u soo laabtay, waxa uuna la wadaagay rajada iyo hamiga shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan in ay ka qeyb-qaataan cirib-tirka khawaarijta Al-shabaab, isagoo ku bogaadiyey Taliska Ciidamada Xoogga Dalka sida ay u fulinayaan qorshaha qaran ee tayeynta iyo dib u habeynta Ciidamada Xoogga Dalka.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
Warka Villa Soomaaliya, ayaa lagu sheegay inay Ciidammadu isugu jiraan noocyo kala duwan oo xilliyo kala duwan la diray, waxaana lagu yidhi; “Ciidammada dib ugu soo laabtay dalkooda ayaa ka kooban Dhulka, Cirka iyo Badda, waxaanay isugu jiraan qaar sannado badan ku maqnaa Ereteriya iyo cutubyo sannadkan bilowgiisa la diray, kuwaas oo soo dhammeystirtay tabobbarkooda, si degdeg ahna dalkooda loogu soo celiyey, taas oo meesha ka saartay duruufo badan oo soo food saari jiray dhallinyarada u istaagay diifaca dalkooda, culeysna ku ahayd Waalidkii ay ka tageen iyo Qarankooda ba.”
Haseyeeshee, warka Laguma shaacin tirada rasmiga ah ee Ciidanka Soomaaliya ee Tabobbarka ay Eritrea ugu maqnaayeen soo dhammaystay ee maanta dalka dib loogu soo celiyay.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, ayaa toddobaadkii hore booqday xarumaha lagu tabobbaro cutubyo ka tirsan Ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya.
Eritrea, ayaa Ciidamo kumannaan ah u tabobbarta Soomaaliya, kuwaas oo qaarkood dalkaasi la geeyey wixii ka dambgeeyey bishii December sannadkii aynu soo dhaafnay, Sannadkan iyo kuwo la diray sannado ka hor.
COMMENTS
|