Puntland: Guddiga Doorashada oo Soo Saaray Jadwal Doorasho oo Khaliif Hurinaya
October 25, 2023 - Written by admin
Garoowe(Berberatoday.com)-Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC, ayaa caawa soo saaray jadwal doorasho oo muran badan dhaliyay, kaasoo ay ku xusan tahay, in ay isa saaran yihiin doorashooyinka Barlamaanka iyo Madaxtooyada Puntland, waxaanu waskoodu sii kicinayaa khilaafka Siyaasadeed ee horeba uga taagnaa Puntland.
Guddigan, ayaa doorashada waqtigeeda ka dhigay 25-ka bisha labaad ee sanadka soo socda, taasoo ka dhigan in doorashadii dhici lahayd siddeeda January 2024 meesha laga saaray.
Xisbiyadii wada shaqaynta la lahaa guddiga doorashada, iyo kuwa mucaaradka ayaa si isku mid ah uga horyimid jadwalkan. Waxayna sheegeen in aysan waxba kala soconin, islamarkaasna aan laga tashanin.
Eng. Maxamed Khaliif Xasan Jebiye oo hoggaamiye ka ah xisbi siyaasadeed lagu magacaabo SINCAD, kaasoo isbahaysi la ahaa xisbiga Kaah ee madaxweyne Deni uu guddoomiyaha ka yahay, ayaa cambaareeyay jadwalka doorashada, wuxuuna sheegay in ay diidan yihiin wax kaste oo Puntland u horseedaya xasilooni darro siyaasadeed
Dhinaca kale, dallada bulshada rayidka ah ee Puntland ee Punsaa ayaa dhankooda sheegay, in jadwalkan doorasho uusan qeyb ka ahayn wada tashiyadii dhex maray dallada Ururada Bulshada Rayidka iyo Guddiga Doorashooyinka Puntland.
Punsaa waxay ku taliysay in kala aragti duwanaanshaha doorashooyinka lagu xalliyo wadahadal lagana gaaro xal wadar ogol ah oo u hiilanaya rabitaanka bulshada.