“Aragatidayda, Waxa Aan Qabaa In Caddaaladdu Ay Tahay, Shayga Maanta Aynnu Baahida Ugu Weyn U qabno, Geedi-socodkeenna Dawladnimana Lamahuraanka U Ah”Gudoomiye Xirsi.
October 27, 2023 - Written by admin
Gudoomiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo qoraal ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga ayaa shaaciyay in dhawaan soo bandhigi doono buug cusub oo uu ka qoray baahida loo qabo in la helo cadaalad iyo hanaanka dawladnimo, wuxuna udhignaa sidan;
“Dawladnimo marka laga warramayo, waxa aanay laba isku diiddanayn in ay CADDAALADDU sees iyo saldhig u tahay, jiritaanka bulsho iyo horumarkuna aanu ka maarmayn oo la’aanteed aanu suurtagelayn, guud ahaanna waa mid uu aadamuhu isla qirsan yahay oo waaqiceenna maanta iyo sooyaalkuba ay marag cad ka yihiin.