berberatoday.com
Kooxo Baasaabboorka Itoobiya Dadka Ku Dhibi Jiray oo La Qabqabtay
October 27, 2023 - Written by admin

Jigjiga(Berberatoday.com)-Xafiiska socdaalka iyo jinsiyadaha Itoobiya ee Deegaanka Soomaalida, ayaa laga xidh-xidhay masuuliyiin sarare iyo shaqaale dhibaato iyo dulmi ku hayay shacabka Soomaalida ee u doonta baasaboorrada, kuwaas oo lagu helay inay lacago ku xidheen dadka, sidoo kalena ay ganacsi u beddeleen isla markaana u adeegi waayey dadkii xaqa u lahaa ee adeegga u doontay xafiiskooda.

Magaalada Jigjiga, ayaa shantii sannadood ee ugu dambeeyey ay ay shacabku dhibaatooyin kala kulmayeen xafiiska socdaalka iyo jinsiyadaha Itoobiya, iyadoo dadka lagu xidhayay shuruudo sharci-darro ah, kuwo kalena lagu dhibayay xafiiska nabadgelyada ka hor inta aanay gaadhin immigration-ka, waxaana dhacdooyinkan xaqiijiyey dad badan oo lasoo xidhiidhay telefishanka Karamardha oo noo sheegay in tirada dadka lacagaha laga qaato ee laga iibiyo baasaboorradu ay ka badanaayeen kuwa sida sharciga ah lagu siinayo.

War-saxaafadeed uu soo saaray booliska federaalka Itoobiya, ayaa lagu sheegay in jeelka loo taxaabay oo la xidhay masuuliyiin iyo shaqaale ka tirsanaa xafiiska laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Itoobiya ee Deegaanka Soomaalida ee Jigjiga, iyo deegaanno kale oo dhawr ah.

Masuuliyiinta la xidhay ayaa waxa ugu horreeya agaasime ku-xigeenka laanta Socdaalka iyo jinsiyadaha iyo jisniyadaha ee Itoobiay oo algu magacaabo Tameru Ginberto Awalso oo xalay saqdii dhexena ay boolisku u dhaceen gurigiisa oo ay baadhitaano kus ameeyeen.

Cabdullahi Cli Maxammed (Cabdullahi Jaarso) oo la sheegay inuu nafta u keenay shacabka deegaanka Soomaalida, ayaa sidoo kale jeelka loo taxaabay isaga oo ka mid noqday 42 qof oo sawirradooda laga sii daayey warbaahinta Itoobiya.

Shaqsiyaadka kale ee jeelka loo taxaabay, ayaa waxa ka mid ah, Zemedkun Getachew, Khadir Siciidd Sarrur, Aschalew Ezezew, Tewodros Bogale, Getnet Ayele, Jaamal Geda, Mulat Desta, Jilaalo Bedru, Genet Hailemariam iyo Degefa Bekuma, waxaana laga soo kala qabtay deegaannada Soomaalida, Oromia, Amxarada, Sidamaamada, Gambella iyo Benishangul Gumuz.

Inkasta oo aan la sheegin goobaha lagu qabtay, waxa kale oo jira dad lagu sheegay mukhalasiin oo isku-xidhayey masuuliyiinta iyo shaqaalaha la xidhay iyo dadka doonayay baasaboorrada iibka ah, waxaana jirtay in dadka Deegaanka Soomaalidu ay ka cabanayeen mukhalasiin suuqa ugu jiray xafiiska Jigjiga oo dadka lacago uga soo ururin jiray. Waxa kale oo la xidhay dad lagu sheegay inay ahaayeen wakiillo usii shaqeeya masuuliyiinta laanta socdaalka oo xafiisyo ka furtay meelo kala duwan, iyaga oo dadka u sheegaya inay u fududaynayaan inay helaan baasaboorka Itoobiya.

Waxyaabaha cajiibka ah ee ay raggan lagu soo qabtay, ayaa waxa ka mid ahaa baasaboorro kala duwan oo guryahooda yaallay, lacago caddaan ah oo lala kala duwan ah, aqoonsiyo been-abuur ah, shahaadooyin dugsi sare iyo Visa-kaadho.

Baadhitaanno ay wada-jir u sameeyeen Sirdoonka qaranka Itoobiya, booliska federaalka iyo laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa waxa la sheegay in sidoo kale lagu soo qabtay in ka badan 120 warshadood oo lagu sameeyo baasaboorro been-abuur ah.

Haddaba, Muuqaalka Warkan waxaannu idiinku soo gudbinaynaa halkan hoose, si aad u daawato hayleyt-garee links ka casaanka ah ee hoos kaaga muuqda, ka dibna ku dhufo open Facebook markuu kuu soo qoro:-

https://fb.watch/nU4srz9gl3/?mibextid=Nif5oz

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews