Roobab Waawayn Oo La Saadaalinayo Inay Ka Da’i Doonaan Xeebaha Somaliland Iyo Digniinta Ay Xukuumadu Udirtay Bulshada!
October 29, 2023 - Written by admin
Wasaaradda H. Beeraha JSL, gaar ahaan waaxda saadaasha, ayaa digniin ka soo saartay Roobab laxaad leh oo la saadaaliyey inay ka da’i doonaan xeebaha Somaliland.

Qoraal ka soo baxay Waaxda Saadaasha oo soo gaadhay Waaxda Warbaahinta ee Wasaaradda Beeraha, ayaa u qornaa sidan “Xafiiiska Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Horumarinta Beearaha waxay Digniin u diraysaa dadweynaha ku nool xeebaha Somaliland, gaar ahaan Degmooyinka Lughaya iyo Saylac inay ka feejignaadaan Roobab waawayn oo la filayo in ay ka da’i doonan xeebaha 24 Saacadood ee inagu soo waajahan, taas oo saadaashu sheegayso inay xeebta Lughaya iyo Saylac ay ku Wajahan yihiin roobab xadigooda sareeyo oo lagu qiyaasay 150mm ilaa 200mm.