Taliska Ciidammada Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Ka Jawaabay Digniin Somaliland u Dirtay
November 5, 2023 - Written by admin
Hadalka Taliyaha ATMIS, ayaa yimi maalin ka hor markii ay Somaliland sheegtay in la qorshaynayo in ATMIS la keeno magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, taas oo ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ba uga digtay Somaliland.
“Annaga howshayadu waa la dagaallanka Al-Shabaab. Deegaannada Khaatumo, waxa isku haya dadka deegaanka iyo Soomaaliland, markaa arrimaha qabilka wax shaqo ah kuma lihin, mana nihin Dam-demis loo adeegsanayo arrinta Laascaanood.” ayuu yidhi Taliyaha ATMIS Jenaraal Sam Okiding.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay u joogaan ciribtirka Al-shabaab, islamarkaana howlgalkooda uu yahay in meel walba oo ay shabaab kaga sugan yihiin Soomaaliya kula dagaalamaan.
“Al-shabaab ma ahan cadawga Soomaaliya oo kaliya ee waa cadawga Afrika, ma doonayaan iney Soomaaliya kaliya ku ekaadaan oo waxay doonayaan iney galaan Kenya, Uganda iyo dhamaan Afrika.” ayuu yidhi Jenaraal Sam Okiding.