“Waan Ogahay In Bulshada Reer Somaliland Jeceshahay Wanaaga, In Aad Og Tihiin Qofka Jecel Wadankiisa Iyo Dadkiisa”Wasiir Hore Cawaale Shirwac
November 13, 2023 - Written by admin
Wasiirkii Hore ee Wasaarada Qorshaynta Somaliland Cawaale Shirwac ayaa umahad celiyay shacabka reer Somaliland ee ka damqaday xadhigii lagula kacay isagoo qoraalka uu kaga hadlayo sida shacabku ugu hiiliyeen una muujiyeen garab istaaga ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;
“Reer SOMALILAND waan idiin mahad celinayaa, kumaanan fariimood iyo telefoon oo aan ka jawaabi Kari waayay mid mid, waxa aan rabaa in idin idhaa, waan ogahay in bulshada reer SOMALILAND jeceshahay wanaaga, in aad og tihiin qofka jecel wadankiisa iyo dadkiisa, waan dareemay aadna way ii taabteen fariimihii badnaa ee idinka helay.