Xukuumada Somaliland Oo War Kasoo Saartay Dagaalo Maanta Ka Dhacay Gobolka Sool!
November 22, 2023 - Written by admin
WAR-SAXAAFADEED
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxaa saaka soo weeray dadka shacabka ah ee degaanka Buq-dharkayn ee Gobolka Sool, Kooxda Argagixisada ah, Huwanta ka Dagaalanta Bariga Magaalada Laascaanood iyo Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaliya.
Dadka degaanka Buq-dharkayn oo gacan ka helaya Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxay gaadhsiiyeen kooxaha Huwanta iyo argagixisada khasaare aad u wayn waxayna ku dhufteen dhirbaaxo kulul.
Kooxaha Huwanta ah ayaa caaddaystay in ay weeraro joogto ah ku soo qaadaan dadka shacabka ah ee degaanada Buq-dharkayn iyo Qorilugud.