berberatoday.com
Buurta Rabshiga ee Duleedka Magaalo Xeebeeda Maydh Iyo Taariikhdeeda Akhriso
November 30, 2023 - Written by admin
BUURTA RABSHIGA EE KUTAALA BADDA DHEXDEEDA.
Buurta Rabshigu waxa ay ku taallaa Gobolka Sanaag gaar ahaan Magaalo xeebeedka faca weyn ee Maydh. Buurtani waxa ay Waqooyi Bari kaga beegan tahay Degmada Maydh. Masaafo ahaan Buurtani waxa ay maydh u jirtaa 20NM. Dhererka buurtani waxa lagu qiyaashaa 1km². Buurtan waxaa ka dambeeyo labo fuuq oo badda dhexdeeda ka taagan kuwaas oo dadka deegaanku ku magacaabaan “waladdada Rabshiga”.
“Rabshigu” magac ahaan waa xaarka shimbiraha. Waxa jirta in ay shimbiraha qaarkood sannadkiiba mar degaan geddistaan ama dal doorsadaan. Sababta dal- doorsigu waxa ay badanaaba la xidhiidhtaa ged-geddoonka cimilada. Shimbirahaasi kolka ay degaan doorsanayaan waxa ay isaga gudbaan qaarad ilaa qaarad. Hayaan koodu had iyo jeer waa toos mana geeddi habaabaan. Shimbirahaas nooc ka mid ah ayaa haddaba dalkeenna u soo degaan raaca; waxayna hoy ka dhigtaan buurtaas ay sawiradeedu kor ka muuqdaan. Muddada halkaas ay deggan yihiin oo dhawr bilood sannadkiiba ah, waxa ay ku toomiyaan boqollaal tan oo xaarka shimbiraha ah. Saalada shimbiraha ayaa Rabshi lagu magacaabaa. Buurta Rabshigu dhir ma laha ee waa dhagax, Rabshigu aad buu qaali u yahay, waxaana lagu nafaqeeyaa ciidda. Muddo imka laga joogo 60 sanno ayaa buurtan waxa degenaan jiray Dad Ganacsato ah oo xaarka shimbiraha ka ganacsada kuwaas oo wadanka dibadiisa u dhoofin jirey, waxaana ay buurta dajiyeen shaqaale badan oo xaarka shimbiraha soo gura, shaqaalahaasi oo deganaa godad rabbaani ah oo buurtani ledahay, godadkaas oo ay u kala isticmali jireen mid la seexdo ,mid kaydka rashinku yaallo iyo mid cuntada lagu karsado.
W/Q: Xamse Kaahin

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews