berberatoday.com
Gabadh Yar oo14 Sano Jirta oo Daayac Baraf Ugu Dhimatay Dalka Poland
December 3, 2023 - Written by admin
Gabar yar oo 14 sano jir ah oo dalka Poland u dhalatay ayaa talaadadii lasoo dhaafay ayadoo meel banaan ah mareyso miyir beeshay, 5 saacadood oo banaanka ay taallay, weliba cimillada oo aad u qaboow oo -3 ah darteedna u dhimatay.
Faahfaahinta dhacdada:
Gabadhan ayadoo Iskoolkeeda u socota ayay 08:15 aabaheed wacday, waxay u sheegtay inaysan caafimaad ahaan wanaagsaneen, oo ay dawakhaad ama wareer dareemeyso, ayadoonan u sheegin halka ay markaas ku sugan tahay ayuu wicitaankii go’ay.
Aabihii isla markiiba wuxuu bilaabay inuu gabadhiisa raadiyo, wuu waayay, boliiskana wuu u sheegay, balse aad bay ula daaheen howl galkooda raadinta gabadha yar.
13:30 duhurnimo ayadoo la marayo ayaa gabadhii yareed laga helay meel boor xayaysiin agtiisa ah, dukaan Aldi ahna uu ku yaallo, (Sawirka hoose eeg, waa isla halkaas) meeshuna waa meel dad badan ay maraan. Gabadhii ayadoo miyir beeshay ayay halkaas ku dhacday, 5 saacadood inay qaboowgaas oo -3 ah jiiftay ayaa la sheegay.
Isbitaalka ayaa la geeyay, waxyar kedibna halkaas ayay ku naf baxday.
Gadaal danbe waxaa la ogaaday gabadha inuu qalal ama stroke ku dhacay, sababta ay banaanka ugu dhacdayne uu kaas ahaa.
Dood weyn oo arrinkaasi ku aaddan ayaa hadda taalo, boliiska sababta ay raadinta ula daaheen, iyo dadka wadadaasi maray sababta ay gabadha yar u caawin waayeen.
Dhacdada waxay ka dhacday magaalada Andrychow ee dalka Poland.
Warka gabadhan yar wuxuu ku jiraa wararka hadda saacaddaan loogu raadinta badan yahay dalkan Jarmalka.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews