Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland Waxa Ay Isha Ku Haysaa, Xiisadda Amni Ee Kasoo Cusboonaatay Marinka Koonfureed Ee Badda Cas Iyo Gacanka Cadmeed. W
December 5, 2023 - Written by admin
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Iyo Arimaha Ay Kaga Hadashay.
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland Waxa Ay Isha Ku Haysaa, Xiisadda Amni Ee Kasoo Cusboonaatay Marinka Koonfureed Ee Badda Cas Iyo Gacanka Cadmeed.
Weerarradii u danbeeyay ee lagu qaaday maraakiibta dagaalka iyo kuwa ganacsiga iyo suurtagalnimada in budhcadeed halkaa ka dillaado, waxa ay hoosta ka xarriiqaysaa baahida degdegga ah ee loo qabo tallaabo is-kaashi oo wax lagaga qabanayo khatartan sii kordhaysa.
Waxa kale oo aanu ka walaacsannahay baa lagu yidhi war-saxaafadeedkan saamaynta dhaqaale iyo bulsho ee ka imman karta dhaqdhaqaaqyada sharci darrada ah ee ku soo kordhaya badda cas, iyo suurtaglnimada ah in ay kor u kacaan qiimaha badeecdaha iyada oo ka dhalanaya kor u kac ku imman kara qiimaha caymiska maraakiibta ee gobolka.