berberatoday.com
Budhcad Badeed Soomaali Ah Oo Afduubtay Dooni Kalluumaysi Oo laga Leeyahay Dalka Yemen M
December 27, 2023 - Written by admin

Budhcad badeedda Soomaalida ayaa la rumeysan yahay inay qaadeen weerarkii afraad oo lagu qaado maraakiibta iyo doonyaha ganacsiga muddo bil gudaheed ah.

Hay’adaha ammaanka ayaa xaqiijinaya warar soo baxaya oo sheegaya in dooni kaluumaysi oo laga leeyahay dalka Yemen la afduubtay, taasoo markii ugu dambaysay lagu arkay biyaha Soomaaliya.

Ururka Ganacsiga badaha ee UK (UKMTO) ayaa sheegay in ay rumaysan yihiin in la afduubtay doontan kalluumaysi.

Waxay ka soo xiganayaan maamulka maxalliga ah in doonida kalluumeysiga oo lagu magacaabo Emerat-2 markii ugu dambeysay lagu arkay iyadoo ku sii jeedda waqooyiga xeebta Yemen.

Ma cadda inta qof ee la socotay.

Waxaa doontaan lagu qafaashay meel qiyaastii 8 mayl dhanka waqooyi kaga beegan yahay degmada Eyl ee gobolka Nugaal ee Puntland. Waana isla goobtii ay weeraradii kale ee budhcad-badeeddu ka soo billaameen horraantii Disembar.

Mid ka mid ah walaacyada jira ayaa ah in laga yaabo in budhcad-badeeddu ay doonida yar ee kalluumaysiga u isticmaalaan weerarada maraakiibta.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews