Fadhigii Golaha Wakiilada Somaliland ee Maanta Oo La Horkeenay Laba Mooshin!
January 7, 2024 - Written by admin
Xildhibaanada isbahaysiga mucaaradka Somaliland ayaa maanta golaha u soo gudbiyay laba mooshin kuwaas oo kala ah.
1 in Qaraar Goluhu ka soo saaro faro-gelinta Baarlamaanka Soomaaliya ee arrimaha gudaha Somaliland.
2 in la hakiyo dhammaan xeerarkii goluhu waday si looga doodo xaaladda guud ee Somaliland sida is-Afgarad Somaliland iyo Ethiopia, shirkii Jabbuuti iyo arrimaha dagaalka Sool.