berberatoday.com
Wiil Soomaali Ah oo Lagu Toogtay New Brighton Blvd Minneapolis USA
January 17, 2024 - Written by admin

Wiil dhalinyaro Soomaali ah oo 19 jir ah ayaa shalay galab dil toogasho ah loogu gaysty goob baarkinka baabuurta Target ee ku taal 1650 New Briton Blvd. Toogashada ayaa dhacday abaarahii   3:45 galabnimo ee Janawari 15-keedii. Booliiska waaxda 2aad ayaa ka jawaabay, waxayna u qaadeen cusbutaalka. 

Markii ay yimaadeen, saraakiishu waxay arkeen nin 19 jir ah oo la ildaran dhaawac halis ah.  Saraakiisha ayaa si degdeg ah ugula cararay daryeel caafimaad waxayna geeyeen Xarunta Caafimaadka ee Degmada Hennepin (HCMC). Dadaal ay sameeyeen shaqaalaha caafimaadka ayaa haddana waxaa la sheegay in dhibanaha uu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Baaritaan horudhac ah ayaa muujinaya in toogashadu ay dhacday kadib dagaal gacmaha laysula tagay. Eedeysane magaciisa lagu sheegay Barqadle C/llaahi Barqadle oo 20-jir ah, ayaa loogu yimi goobta. Tuhmanaha ayaa la waraysaty kadibna waxaa loo taxaabay xabsiga degmada Hennepin, iyadoo lagu soo oogay inuu geystay dil.

Goobta waxaa soo gaaray khubaro ka tirsan waaxda dambi baarista ee booliska Minneapolis. Danbi baarayaasha magaalada Minneapolis ayaa hogaaminaya baaritaanka dilka.  

Aqoonsiga ninka dhintay, iyo sidoo kale sababta rasmiga ah iyo qaabka uu u dhintay  ayaa laga sugayaa Baadhaha Caafimaadka ee Degmada Hennepin. 

Maamulka ayaa codsanaya in qof kasta oo haya macluumaad ku saabsan dhacdada in uu kala xiriiro CrimeStoppers 1-800-222-TIPS (8477) ama u soo gudbiyo macluumaadka si qarsoodi ah onleenka www.CrimeStoppersMN.org. Cidii soo sheegta macluumaad horseeda xadhiga iyo xukunka danbiilaha waxaa  laga yaabaa inay la siiyo abaal-marin maaliyadeed.

 

 

 

Abdirizak Diis

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews