Somaliland Oo Dalka Masar Uga Digtay Faro-gelinta Heshiiska Is-afgarad ee Dhexmaray dalka Ethiopia!
January 23, 2024 - Written by admin
Xukuumadda Somaliland, ayaa Dowladda Masar uga digtay inay soo faro-geliso arrimaheeda gudaha, waxaanay ugu baaqday inay dedaalladeeda dubloaasiyadda wax kaga qabto dhibaatooyinka ka taagan dalalka ay dariska yihiin ee Sudan, Liibiya iyo Falastiin.
War-murtiyeed maanta ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland oo ka jawaabaya hadallo daan-daansi u muuqda oo ka soo yeedhay madaxweynaha Masar, ayaa lagu dedafeeyey faro-gelin dibadeed oo carqalad ku noqda heshiiska is-afgarad ee Somaliland iyo Ethiopia.
“Annagoo ka duulayna arrimaha soo kordhay, waxaanu mar kale ku celinaynaa sida hagar la’aanta ah ee ay Somaliland uga go’an tahay sidii ay wada-hadal iyo iskaashi ugu xallin lahayd arrimaha Gobolka. Ma Oggolin Cid kale oo soo faro-gelisa Heshiiska Is-afgaradka (MoU) ee ay wada saxeexdeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya,” sidaas waxa lagu yidhi war-murtiyeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland.